Side Qorsho Ganacsi Loo Sameeyaa

plans, design, web design-1867745.jpg

Qorshaha Ganacsiga (Business Model) waa hab gaar ah oo loogu talagalay in la adeegsado marka la doonayo in aad bilawdo ganacsi waana istaraatiijiyad ka kooban habraac sagaal (9) qodob oo uu qodob kasta leeyahay muhiimadii gaar ah marka laga hadlayo kor u qaadida horumarka iyo kobcinta fikrad ganacsi . Qorshaha Ganacsiga (Business Model) waxa lagu qeexa dejinta istratiijiyad ganacsi si loo abuuro/keeno badeeco ama adeeg ganacsi oo kasbada rabitaanka macaamiisha.

FIIRO GAAR AH

Fadlan maqaalkan kama hadlayo wax walba oo aad dooneysid. Hadii aad tahay qof qibrad u leh cinwaanka maqaalkan oo aad u aragto in qoraalkayaga yahay mid aan dhameystirneen, waxan si xushmad leh kaga codsanena in aad nala wadaagtid aragtidada si aan ugu soo darno qoraalada dambe ee aan sameyn doono. Ujeedkenu waa sameynta qormooyin dhaxal gal ah oo wax ka bedela nolosha Iyo shaqa abuurka umadda Soomalida una horseeda fikrado iyo hal abuurka ganacsi.

Iyada oo aay jirto qorshayaal ganacsi oo kala duwaan oo aay adeegsadaan dadyowga ku nool dunida dafaheeda marka aay doonayaan in aay sameyaan hal abuur ganacsi hadane inta badan dadka Soomaalida ama ganacsatada yar yar marka aay doonayaan in aay bilabaan ganacsi kuma baraarugsana in aay jiraan qorshayaal iyo istaraatiijiyad ganacsi oo u horseedi karta gaarista guusha rajada aay ka lahayeen fikradooda ganacsi.

Hadaba maqaalkani oo ah maqaal aad u dheer waxan uga hadli doonaa qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay qorshaha ganacsiga. Si gaar ah qodobadan aan uga hadli doonno maqaalkan waxa kamid ah sidan soo socota:

1. Macamiisha (Customers)

Macaamiishu waa udub dhexaadka jiritaanka iyo horumarka ganacsi walba. Ma jirto shirkad ganacsi oo sii jireysa hadii aanu jirin macamiil ku tiirsan ama wax ka iibsaneysa. Ganacsi walba waxa uu u adeega macamiil badań oo leh baahiyo kala duwan. Si kastaba ha noqote, shirkadaha ganacsiga ee u adeega shirkadaha kale waxa loo yaqanaa adeega ganacsiga-isweydaarsiga ah(business-to-business), halka kuwa u adeega macamiisha loo yaqaano adeega ganacsiga ee macamiisha (business to customers).

Shirkadaha qaar ayaa keena adeegyo ka kooban labada qeybood ee aan kor ku soo sheegnay. Tusaale, dadka isticmaala Facebook kuma bixiyaan wax lacag ah isticmaalka adeega Facebook oo qofkasta waxa uu leeyahay cinwaan islamarkaana waxa uu si bilaash ah u soo bandhigi karaa qoraalo, sawiro iyo muuqalo la daawan karo. Sidaas oo aay tahay, hadane Shirkada Facebook kama sameyeen wax fa’ido ah ama dhaqaalo ah xayeysiinta adeegyada shirkadaha kale hadii aanu jirin malaayiinta qof ee maalin kasta si bilaash ah u isticmaalaysa adeegeda. Si kooban, shirkada ganacsiga kuma bixiyeen kharash kumana xayeysiisteen ganacsigood Facebook hadii aanu jirin macamiil ama dad badan oo ku tiirsan shirkadaas. Hadaba, waxa aan dhihi karnaa macmiisha aan bixin wax qarash ah waxa aay lagama maarmaan u yihiin ka guul gaarista qorshahada ganacsi.

Waxyabaha muhiimka ah ee la doonayo in aad xasuusato marwalba marka laga hadlayo macamiisha iyo ganacsiga ayaa ah sidan soo socoto:

  • In aay jiraan macamiil kala duwan oo leh baahiya kala duwan
  • In aay jiraan macamiil bixinayo lacag iyo kuwo aan bixineyn wax kharash ah
  • In aay jirto shirkado bixiya adeeg bilaash ah si aay u kasbadaan macamiil badan islamarkana dhaqaalo ka hela shirkado kale.

2. Qiimaha La Sameeyay (Value Provided)

Qiimaha la sameeyay waa ka baraan-degida tayada badeecadaha/adeegada ganasiga iyo qiimaha uu sameyn karo kadib marka uu macmiilku iibsado islamarkana ku qanco waxtarka badeecada/adeega uu ka helay shirkadaas. Dhanka kale, soo bandhigista adeeg ganacsi oo gaar ah islamarkana raali geliya macamisha waa mid kamid ah sababaha ugu weyn aay intabadan macamiisha u doortaan badeeco/adeega shirkad gaar ah marka lala bar-bardhigo badeecooyinka Iyo adeegyada shirkadaha kale ee la midka ah .

Waa kuwan tusaalayasha qeybo badan oo kala duwan oo ka mid ah adeegyada waxtarka u leh rabitaanka macamiisha:

2.1. Raali-gelinta Macamiisha (Customer Satisfaction)

Dhowrida waqtiga Macamiisha waa mid kamid ah waxa ugu muhiimsan ee keeni kara in macamiisha aay ku qancaan adeeg gaar ah. Tusaale, Shirkada Redbox waxa aay bixisaa adeega kireynta Aflaanta & Qalabka lagu ciyaaro (game-ka) dalka mareykanka, waxa aayna fidisaa adeegyadaas dadka ku sugan goobaha saxmada badan sida dukaamada ganacsiga ee laga dukameysto (supermarkets) si aanay macamisha ula kulmin dhibatooyin aay ka mid yihiin daalka inta aay ku guda jiraan howlahooda dukameysiga. Taasi waxa aay ka dhigtay Shirkadan Redbox in aay noqota shirkada ugu wanaagsan marka laga hadlayo kireynta aflaanta iyo qalabka lagu ciyaaro, waxa aayna ka sameysay fa’ido dhaqaale oo Aad u badan.

2.2. Qiimaha Lacagta (Value Pricing)

Macamiisha waxa aay badan doortaan badeecada aay qiimaha lacagteedu hooseeyo. Tusaale, adeega Skype waxa uu siiyaa macamiisha adeeg isgaarsiin oo u fududeynaya dadka in aay sameyaan wicitaanka telfoonada dibada si ka dhib yar kana qiimo jaban lacag ahaan marka lala bar-bardhigo shirkadaha kale ee isgaarsiinta caadiga ah.

2.3. Naqshada Badeecada (Product Design)

Macamiil badan waxa aay doonayaan in aay qarash ku bixiyaan badeeco ama alaab si wanaagsan loo naqshadeyay muuqaal ahaan inta aay doonto ha noqotee qiimaha lacagteeda. Tusaale, qalabka dhaha (iPod) ee aay soo saartay shirkada teldoonada Apple waa qalab aay macamiisha u isticmaali karaan in aay wax ku dhageystaan inkasta uu yahay qalab uu qiimahiisu aad u sareeyo hadane dad badan ayaa iibsada iyagoo eegaya sida quruxsan ee loo naqshadeeyay iyo tayada uu leeyahay.

2.4. Isticmaalkisu Fududyahay (Ease Of Use)

Shirkado badan ayaa kasbada qalbiyada macamiisha iyaga oo u soo bandhigaya adeegyo dhibyar in la isticmaalo islamarkana aan u baahneen wax khibrad ah amaba xirfad ah. Tusaale, shirkada wordpress.com waxa aay bixisaa adeega sameynta/dhisida bogga internet-ka (Website Building) oo ka kooban adeegyada ganacsiga internet-ka. Waxa aay shirkadani soo bandhigtay agab ku fududeynaya sameynta websit-yada iyo ganacsiga online-ka, isticmaalkiisuna aan kaga baahneen in aad leedahay khibrad ama xirfad gaar ah. Waxa aad u baahantahay ayaa ah keliya in aad ka doorato qeybaha kala duwan ee qorshayasha ganacsiga qeybta aad dooneyso kadibna waqti badan ama howl badan kuguma qaadan doonto in aad bilowdo qorshahada ganacsiga internet-ka.

Ma Dooneysa In Aad Sameysato Website Ganacsi

Hel agab ku fududeynaya in aad sameytsato websit ganacsi online ah oo aad adigu si gaar ah u leedahay islamarkaana aan kaga baahneen in aad leedahay xirfad gaar ah ah sida loo isticmaalayo.

3.Kanaalada (Channels)

Kanaalada waa wadooyinka ama jidadka loo maro macamiisha si aay badeecadada ama adeegada ganacsi u gaaro macamiisha aad ugu talagashay. Kanaalada waxa aay qabtaan shan (5) shaqo oo kala ah:

  • In aad abuurto barnaamij wacyigelin ama ogeysiis ah oo ku saabsan badecada ama adeega ganacsi aay bixiso shirkadada
  • In aay ka caawiso macamiisha muhiimka (potential customers) qiimeynta iyo fahamka waxtarka badeecooyinka ama adeegyada ganacsi oo aay shirkadadu soo bandhigtay
  • In aay macamiisha ku qancaan shirkadada kadibna aay iibsadaan badeecadada
  • In aad keento adeeg/badeeco raali geliya macamiisha
  • In aad kasbato rabitaanka macamiisha kadib marka aay iibsadaan badeecadaada

Sida caadiga, qeybaha kala duwan ee kanaalada ganacsiga waxa kamid ah:

  • Xiriirada shaqsiga ah ama wicitaanada telfoonada.
  • Website-yada iyo goobaha laga dukameysto
  • Deeganada iyo meelaha/guryaha aay dadka ku nool yihiin
  • Internet-ka Iyo baraha bulshada
  • Warbaahinta sida Idaacadaha iyo TV-yada

4. Xiriirada Macamiisha (Customer Relations)

Marka aad dooneysid in aad bilawdo ganacsi waa in aad si cad u qeexi kartaa noooca ganacsi ama badeeco oo aad dooneysid in aad u keento macamiisha; tusaalo waa in aad ka bixiso sharaxaad: ma waxa keneysaa adeeg/badeeco loogu tala galay dad gaar ah? Ma waxa keneysaa adeeg rukumasho (subscription) ah oo aay dadku iibsanayaan iyaga oo bixinaya qarashaadka si isbuucla/billa/sanadla ah ? Ma waxa keneysaa adeega ganacsi isweydaarsi ah (business-to-business? Helida jawaabaha su’alahaas waxa aay ku ifinaysaa nooca xiriir ee aad dooneyso in aad ka hesho macamiisha.

Sido kale, waa in aay ku kala cadahay ujeedada asaasiga ah ee aad ka leedahay dhisida xiriirka macamiisha. Tusaale, ujeedada aad leedahay ma waxa in aad hesho macamiil cusub misę waa in aad sii kasbato rabitaanka macamiishadii hore ee uu ku tiirsanaa dakhliga iyo wax soo saarka ganacsigada.

Ujeedooyinka xiriirada Macamiisha waa kuwo ku tiirsan isbdelka waqtiga. Tusaale, waqtiyadii hore shirkadaha isgaarsiinta iyo telefoonada waxa aay macamiishu siin jireen mobeelo si abaal marin ah iyaga oo diirada saaraya helida macamiil badan balse waqtiyadii dambe marka uu suuqa ganacsiga qaan-gaaray tekenoolajiyaduna miro dhal noqotay waxa aay bilabeen adeegyo gaar ah oo aay ku hana karaan rabitaanka macamishood. Tusaale, shirkadaha (Amazon, YouTube, Business Model You, LCC) waxa aay sameyeen iskaashi iyago oo soo saarayo badeecooyin/adeegyo wadajir ah oo kor u sii qaadaya rajada macamiisha.

5. Dhakhliga (Revenue)

Waa in aad goor sii horeysa qorsheysato inta uu la ekaan karo dakhliga ama cadadka qarashaadka aay macamiisha ku iibsan karaan badecadada iyo sido kale in aad ka fakarto habka iyo sida aay macamiishu u bixinayaan lacagta. Waxa jirto labo hab oo aay u bixiyaan macamiisha qarashaadka lacagaha oo kala ah:

  • Lacag bixin hal mar kaliya (One time payment) sida iibsashada dharka, mobeelada IWM
  • Lacag bixin soo marar badan soo laa-laabato (Recurring payments) sida kirada guryaha, hotelada IWM.

6. Handtida/Ilaha Aasaasiga Ah (Key Resources)

Sida kaga muuqata ciwaanka, kalmada H-A-N-T-I waa wax gaar ah oo aad leedahay ama aad u baahantahay in aad heysato si aad u gaarto u jeedo gaar ah. Waxa jira afar qeyb oo lagama maarman ay tahay in aad hantiso si aad u gaarto ujeed ganacsi:

6.1 Dadka (Human)

Shirkadaha waxa aay ku tiirsan yihiin wax soo saarka Shaqaalaha. Tusaale, isbitaaladu lagama doonteen dawo iyo caafimaad hadii aanu lahayn dhaqaatiir iyo kalkaliyaal, sido kale iskuuladu iyo jaamacadaha looma doonteen waxbarasho hadii aanu jirin macalimiin iyo maamul. Sida darteed, waxa dhihi karnaa shaqaalaha ama dadka waa mid kamid ah hantida muhiimka ah ee la doonayo in aay yeelato shirkad weliba ee adeegta bulshada.

6.2. Agab/qalab (Physical)

Shirkadaha ganacsiga waa in aay lahaadaan agab/qalab fududeynaya in aay u adeegaan bulshada. Agabyada waxa aay noqon karaan hantida xarun/xafiis, dukaan, website, adeeg mobeel (mobile application) IWM. Sido kale shirkadaha waaweyn waxa aay leeyihiin hanti ma guurto ah sida dhul, baqaaro lagu keydiyo badeecooyinka iyo gaadid qaada alaabaha ganacsiga.

6.3 Sumad Gancsi (Intellectual property)

Sida aynu la socono Shirkad walba waxa aay leedahay wax gaar ah oo lagu garto kagana duwan tahay shirkadaha kale. Sumadaha ganacsiga waxa kamid ah Magac Ganacsi (Brand Name), Sumada Shirkada (Company Logo) iyo hal-heys ganacsi (Brand Slogan). Sido kale waxa jiro xeerar iyo siyaasado maamul (Adminstration Policies & Regulations) oo hagaya fulinta howl maalmeedka qorshaha shirkada.

6.4 Maaliyad

Shirkadaha waxa aay leyihiin hanti maaliyadeed sida lacag (cash), kaararka ATM-ka (credit cards), xisaab banki (bank accounts), manufacturing equipments (qalab wax-soo-saar) iyo koonto isgaarsiineed (telecommunication accounts).

7. Howlaha Aasaasiga Ah (Key Activities)

Qodobkani waa howsha ugu muhiimsan howl-maalmeedka qorshaha ganacsiga oo la doonayo in si joogto ah oo aan hagar lahayn looga shaqeeyo marwalba. Waxa jirta afar (4) hab oo aay adeegsadaan shirkadaha si aay u soo saraan adeeg ganacsi:

Hal-abuurid (Inventing): habkani wax uu ku saabsan yahay wax soo saarka, naqshadeynta iyo sameynta adeegyada/badeecooyinka si looga jawaabo rabitaanka iyo baahiyaha gaarka ah ee macamiisha. Habkani waxa uu noqon karaa howl/adeeg deg deg ah islamarkana la doonayo in la qabto isla waqtigaas iyo mid la rabo in aad u diyaar garowdid qabashadiisa mustaqbalka dhow. Tusaale, adeega shirkadaha ganacsiga ee ka shaqeeya”Isqurxinta & Tima Jarka” waa howl u baahan in si deg deg ah looga shaqeyo si walba ay noqotaba halka hormarinta iyo keenista xirfadlayaal ku xeel-dheer dhanka timo-jarka, qalab iyo makiinado casri oo timaha jara aay tahay howl u baahan qabashadeeda in loo diyaar garoobo mustaqbalka dhow.

Iib Geyn (Selling): habkani waxa uu iskugu jiraa wacyigelinta, suuq-geynta/xayeysiinta badeecooyinka iyo addegyada shirkada ganacsiga. Howlaha la qabta badana marka laga hadlayo habkani waxa kamid ah: sameynta wicitaano iibgeyn (making sales calls), sameynta dacaayado qorsheysan (targeted marketing), diritaanka fariin qoraaleedyo ganacsi (business emails) iyo qabashada tababaro iyo tusmooyin ganacsi (business trainings and webinars).

Taageerid (Supporting): habkani waa sii joogteynta iyo kor u qaadida kobcinta Iyo horumarka adeegyada ganacsiga iyadoo la shaqaleysiinayo howl-wadeeno cusub oo shirkada ka caawiya xaqiijinta iyo ka guul gaarista ujeedooyinka qorshaheeda ganacsi.

8. Howl-Wadaagayasha Ganacsiga (Key Partners)

Ma ahan wax caqli gal ah in aay shirkad keliya qabato wax kasta iyada oo aan wax iskaashi saaxibnimo la lahayn shirkado kale. Sababto ah howlaha qaarkood ayaa u baahan qalab iyo adeegyo qaali oo laga yaabo in awoodi karin in shirkad keliya aay soo iibsato. Sida awgeed, waa lagama maarmaan sameynta xiriiro ganacsi oo ku dhisan howl-wadaagis taas oo horseed u noqon karta guul wadajir ah. Tusaale, adeega internt-ka ee shirkada Hormuud waa mid kamid ah guulaha ganacsi ee ugu waaweyn aay shirkadaasi u soo hooysay bulshada Soomaaliyeed waxana ka fa’ideysta shirkado kala duwan iyo macamiil badań hadane sidaasi si lamid ah shirkada isgaasiinta ee Hormuud ma sii wadeen hadii aanu jirin macamiil iyo shirkado kale oo ku tiirsan adeegyadeeda, dhanka kalena bixinaya qarashaadka iyo lacagaha qidmooyinka adeega.

9. Qarashaadka (Costs)

Dhamaan qodobadii aan uga soo hadlanay qeybaha kore ee qormadeena sida abuurida ilo dhaqaalo, qabashada howlaha aas-aasiga ah iyo sameynata iskaashi ganacsi waxa aay u baahantahay qarashaad lagu kala furdaamiyo. Sidaas awgeed, waa in aad hesha qarash ama lacag si aad u soo bandhigto badeeco ama adeeg ganacsi oo raali geliya rabitaanka macamiishada.

Cabirka Togan (Scalability) waa aragti muhiim ah oo ku dhisan isku jaan-gooynta qarashaadka iyo awooda fulinta howlaha asaasiga ah ee qorshaha ganacsiga . Marka laga hadlayo dhaqalaha, in aad sameyso isla barbardhig dheelitiran waxa aay ka dhigantahay la tacaalida kororka dalbaadka macamiisha iyada oo aanay waxna iska bedelin tayada adeega ganacsigada.

Ugu dambeyn, waxahalkan ku soo koobeyna qormadeena ku saabsaneed sameynta qorshaha ganacsiga. Hadii aay jiraan wax talo ama fikarad ah oo ku saabsan maqaalkan, fadlan qeybta hoos inoogu reeb.

Comments are closed.