Waa Maxay Artificial Intelligence?

web, network, information technology-4864044.jpg

Inta badan marka aay dadku maqlaan Artificial Intelligence oo afka Soomaaliga macnaheedu tahay maskax ama garasho mac-mal ah waxa maskaxdooda ku soo dhacda kombiyuutarada loo yaqaano robots-ka ee lagu daawado aflaanta, kuwaas oo loo ekeysiiyay qaab dhismeedka jirka Bani’aadmaka sido kalena qabta dhamaan shaqooyinka kala duwan ee aay dadku qabtaan marka laga reebo astaamaha gaarka ah ee uu Alle u gaar yeelay noolaha .

Aragtida Artificial intelligence oo loo soo gaabiyo AI waxa lagu tilmamaa mid kamid ah horumaradii ugu saameynta badnaa abid ee qarniga 21aad laga gaaray dhank tekenoolajiyada! Waxa aayna noqotay mid saameyn ballaaran ku dhax leh nolosha iyo xirfadaha dad badan oo ku nool daafah aduunka. Sida la sheegay, AI ayaa loo adeegsada qeybaha kala duwan ee xirfadaha nolosha, sida Caafimaadka, Dhaqaalaha iyo Isgaarsiinta. Si kastaba ha noqote, su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah waxa loola jeedo Artificial Intellegence iyo waxtarka aay u leedahay horumarka nolosha bulshada.

Si aan uga jawaabno su’aalahaas iyo kuwa kaleba, waxan qormadan uga hadli doonnaa mowduucyada soo socda:

1. Fahamka Guud

Madaama aragtida Artificial Intelligence aay tahay wax ku saabsan tekenoolajiyada iyo cilmiga kombiyutarka sido kalena ku cusub cilmiga bulshada iyo diiwaanka eray bixinta afka Soomaaliga, waxaan isku daynay in aan soo helno eray u dhigma ama la macno ah. Qormadani waxan adeegsan doonaa erayada Maskaxda Macmalka oo aan ula jeedno macnaha erayada “Artificial Intellegence” taas oo aay macnaheedu tahay aalad ama barnaamij kombiyuutar oo aay dadku sameystaan si aay u garaaa ujeedo gaar ah una qabato shaqo loogu talagalay in aay qabtaan bani’aadamka.

Bogga Investpodia waxa uu ku qeexay Artificial Intelligence qyeb kamid ah barashada cilmiga kombiyuutarka oo ku tacaluqda sida loo sameeyo aaladaha(Machines) iyo barnaamijyada loogu talagalay kombiyutarada iyo mobeelada (Software Applications) kuwaas oo leh maskax macmal ah awoodna u leh garashada tilmaamaha aay dadku siiyaan kadibna aay u fuliyaan shaqo u dhiganta tan aay bani’aadamku qabtan si loo gaaro ujeedo gaar ah.

2. Noocyada Iyo Qeybaha AI

Iyada oo lagu saleynayo shaqada iyo waxtarka barnaamijka artificial intelligence ee loo yaqaano AI waxa loo qeybiyaa labo qeybood:

2.1 Nooca Fudud (Weak Artificial Intelligence)

Aragtida fudud ee AI waxa aay ku saabsantahay abuurida barnaamijyo loogu talagalay fulinta shaqo kooban. Tusaale, barnaamijyada lagu ciyaaro ee loo yaqaano Video Games-ka waa qeyb kamid ah noocyada fudud ee Artificial Intelligence. Waxa sido kale kamid ah barnaamijka telefoonada iPhone-ka ee loo yaqaano Siri kaas oo isticmaalayasha ka caawiyo dhanka baarista barnaamijyada iPhone-ka.

2.2 Nooca Culus (Strong Artificial Intelligence)

Sida ka muuqataba magaca cinwaanka, noocani waxa uu ka kooban yahay dhowr barnaamijyo waxana loogu talagalay in aay fuliyaan shaqooyin kala duwan. Noocani waxa kamid koombiyuutarada loo yaqaano robots-ka ee lagu daawado aflaanta waxana loo someday in aay shaqeyaan sida uu bani’aadamku u shaqeeyo.

3. Adeegsiga Iyo Fa’idooyinka AI

Adeegsiga aragtida artificial intelligence ma ahan wax ku kooban qeyb keliya balse waxa loo adeegsada qeybaha kala duwan ee nolosha. Tusaalayaasha soo socda waa qeybo kamid ah fa’idooyinka aay leedahay:

3.1 Maareynta Bankiyada

Makiinadaha loo yaqaano ATM ee aay isticmalaan bankiyada waa qeyb ka mid ah ka fa’ideysiga horumarka Artificial Intellegence iyada oo fududeyso in macamiisha aay helaan adeeg banki oo joogta ah, dhanka kale waxa aay baajisay dhaqaalo badań oo aay bankiyada uga bixi lahayd shaqaalo badan oo ka shaqeeya marwalba adeegyada lacagaha aay macamiisha kala baxaan akoonadooda. Nasiib Wanaag, horumarka teknoolajiyada Artificial Intellegence waxa aay suuragelisay in aalada ATM-ka la baro laguna shubo xogta kaararka macamiisha kadibna aay fuliso dalabka lacag la labixida ee ka imaanaya dhanka macamiisha.

3.2 Adeegyada Caafimaadka

Khubaro caafimaad ayaa hindisay barnaamij telefoonka lagu isticmaalo  oo si sahlan loogu baari karo cudurka Tiibishada ama Tuberculosis-ka iyada  oo aan bukaanku booqan isbitaal ama goob caafimaad. 

Sida aan wada ogsoonahay, marka la baarayo cudurka tuberculosis ama TB-da waa in bukaanku marka hore booqdo goob caafimaad kadibna raajo ama x-ray  laga qaado xubnaha neef mareenka si loo ogaado hadii uu bukaankaa hayo xanuuka TB-da iyo hadii kale.

Barnaamijka aay dhaqaatiirtan caafimaad hindiseen ayaa ah mid ka gedisan habka baaritaanada caadiga ah ee tuberculosis-ka. Tusaale, Si uu qofka iskaga baaro cudrka TB-da waa in uu marka hore sawir iskaga qaado mobilka kadibna uu ku shubo (upload-gareyo) sawirkaas application-ka mobile-ka ee lagu baarayo cudurkan TB-da , daqiiqado yar kadib waxa uu qofkaasi heli doonaa natiijada baaritaanka cudurka TB-da!

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah side ayay sax ku noqon kartaa natiijada baaritaanka iyada oo aan bukaanka laga qaadin raajo (x-ray)?

Sida laga soo xigtay khubarada caafimaaadka barnaamijkan waxa aay shegeen in dhowr mar tijaabiyeen sax ahaanshiyaha natiijada barnaamijkan, sido kale waxay isla barbar dhig ku sameyeen natiijooyinka dad la il daran xanuunka  cudrka TB-da iyo kuwa aan qabin xanuunkan. 

Sida aay shegeen qubarada (radiologists) ee ku takhasusay aqrinta iyo fahmida shaxda graphka X-rayga waxay ku tilmaameen in aay tahay howl adag oo u baahan aqoon iyo waqti  balse nasiib wanaag ka fa’ideysiga tekenoolajiyada AI aay suuragelisay in uu qof kasta si fudud u aqrin karo una heli karo natiijada isaga oo aan wax qibrad ah u laheyn cilmiga Radiology-ga. 

Hadaba, Taasi waxa aay fududeysay in bukaanka si dhaqso ah ku helo natiijada baaritaanka TB-da , sido kale waxa aay ka hortagtay Qatar badan oo caafimaad oo ka dhalan kartay leyserada marka la qaadayo x-ray-ga.

Intaasi kuma koobna AI, waxa kale jira qeybo kale oo aay kamid yihiin gawaarida aan cidna kaxeen, diyaaradaha drones-ka, albaabada aan ku furmin kontoroolka dadka ee dhimayasha iyo madaarada, qalabka faraxalka ama gacmo dhaqida oo ku shaqeeya dareemayasha gacmaha dadka kadibna aay biyuhu ka dareeraan iyada oo aan meelna laga kontoroolin.

Gabagada Iyo Gunaanadka

Inakasto aay wax wanaagsan tahay ka warqabka halka aay mareyso maanta horumarka hal-abuurka teknoolajiyada iyo barashada habka loo sameeyo kombiyutarda robots-ka hadane maahan baahi taagan oo waxna ka bedeli karta waqtigan la joogo marka la eego xalada nololeed ee dadka Soomaaliyeed oo aay haystaan dhibatooyin bulsho iyo mid dhaqaale.

Ugu dambeen waxan dhallinyarada ku boorin lahaa isku dayga hal-abuurka xalinta arimaha bulshada (Social Innovation) kaas oo wax badan ka tarayo dhanka xalinta dhibaatooyinka arimaha bulshada.